40-qof muhaajiriin afrikaan ah oo meydadkooda laga helay xeebaha dalka liibiya + sawirro

Xeebaha magaalooyinka Zlitan iyo Khoms oo u dhow caasimada dalka Liibiya ee Tripoli waxaa laga helay in ka badan 40-qof oo ka tirsan muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo ay baddu soo tuftay kaddib markii doontii ay wateen la qalibantay daqiiqado kaddib markiy ay tageen bad weynta.

Shaqaalaha bisha cas ee dalka Liibiya ayaa bilaabay daad gurenta meydadkaasi oo qaarkood ay ku yaalaan dhaawacyo jirkooda oo qeyb ka mid ah ay cuneen Kalluun iyo xawayaanada kale ee Badda ku jira.

Mohamed Al-Masrati oo ka mid ah saraakiisha ururka bisha cas ee dalka Liibiya ayaa sheegay inay soo ururiyeen meydadka 40-qof oo baddu soo tuftay, isagoona sheegay inay weli jiraan meydad kale oo ay uga shakisan yihiin inay ku jiraan badda.

Dhinaca kale meydadka tahriibayaasha ah ayaan weli la caddeynin dalalka ay ka soo jeedaan, inkasta oo la shaaciyay inay ahaayene dad madow ah oo asalkooda Afrika u dhashay, inkastoo saraakiishu ay sheegeen in marka laga qaado dheecaanka DNA-ga la shaacinayo dalalka ay ka soo jeedaan.

Red Crescent workers prepare to carry the lifeless body of a migrant, off the shore of Gasr Garabulli, in the eastern city of Tripoli, Libya, Wednesday, Oct. 21, 2015. Red Crescent collected the bodies of six people including an infant. (AP Photo/Mohamed Ben Khalifa)

Share this:

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=33101

Posted by ccdyouth
on Oct 26 2015. Filed under Pictures, Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *